Gudiga Amniga oo amaro kasoo saaray hawlgalka dib u xoraynta Sool

Gudiga amniga amarada ay soo saareen waa kuwo loo bahanaa xiligoodiina yimid.
 
Amaradan waxay xadidayaan in sirta hawlgalka ay banaanka si fudud ugu baxaan,maadaama xogo lagu helay in Dad u adeegaya maamulka Jeegaanta ay ugudbaan goobta hawlgalku ka socdo.
 
Sidoo kale waxay gacan ka gaysanayaan soo gudbida shaqsiyaad loogu talagalay in ay fal danbiyeedyo ka fuliyaan gudaha Magaalooyinka waa weyn ee Puntland .
 
Amaradan waxay kaloo xaqiijinayaan si hoose in ay sirdoonka Puntland ula socon karaan dhaqdhaqaaqa Dad iskugu jira Rag iyo Dumar,kuwaasoo laga soo diray Hargaysa oo soona gaaray Puntland,si gaar ahna uga shaqeeya Hotelada jiifka iyo Cuntada ee caasimada Garowe,balse haya shaqo ka duwan mida muuqata ee ay hayaan.
 
Maamulka Jeegaanta,ayaa adeegsada qorshayaal badan oo uu amniga Puntland ku khalkahl galinayo waxaana ka mi dah qorshayaashaas fulinta Qaraxyo iyo laynta haldoorka.sida ay axqiijiyeen laamaha sirdoonka Puntland oo isha ku haya qorshayaashan.
Halkan ka akhriso:-