Puntland oo horumar lagu faani karo ka gaartay Waxbarashada

Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa hal mar kawada furmay in ka badan 100-xarumood oo ku yaalla dhammaan sagaalka gobol ee dowladda Puntland,waxaana u fariistay 15-kun oo arday,kuwaasoo isugu jira fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare,

Imtixaankan ayaa waxaa ilaalinaya 750-Macallin,islamarkaana ay kormeerayaal ka yihiin 150-Macallin oo kale.

Guud ahaan kharashka ku baxaya imtixaankan ayaa iska kaashaday dowladda iyo shacabka Puntland.

Abshir Yuusuf Ciise,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland ayaa ardayda imtixaankan u fariisatay ugu baaqay in ay degga’naan iyo kalsooni muujiyaan,si ay maskaxdoodu fursad ugu hesho in ay ka shaqeyso imtixaanka horyaalla.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddii furitaanka ee imtixaankan,ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ku aaddan baahinta Waxbarashada,isagoo sheegay in ardayda intaas le’eg ee maanta imtixaanka gelaysa ay muujinayso horumarka Puntland ka gaartay dhinaca waxbarashada.

“Waxay muujinaysaa dedaalka ay Wasaaradda iyo Dowladduba samaysay, in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Somaliyaba” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Puntland ayaa horumar baaxad leh ka samaysay waxbarashada ,waxaana Wasaarada waxbarashada ay ku guulaysatay in ay noqoto mida ugu hormarsan guud ahaan Somaliya.

In imtixaanka Shahaadiga ah ay guud ahaan Gobolada Puntland hal mar loo wada fariisto,isla markaana Arday gaaraysa 15000 ay hal maalin,hal saac iyo hal daqiiiqo waxay muujinaysaa maqaamka iyo miisaanka dhul iyo Dad ahaaneed ee Puntland ay leedahay.