Video:-Caaqilka guud Ee beesha Jaamac Siyaad oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Jeegaanta

Caaqilka Guud Ee Beesha Jaamac Siyaad Caaqil Axmed Cabdi Gaas(Hoolif) Oo Ku Baaqay In maamulka Jeegaanta Laga Xoreeyo G.Sool,Baaqna Udiray Beesha Daarood Iyo Puntland.

Caaqilka ayaa ku dhawaaqay  in ay ubaahan yihiin gurmad toleed iyo mid Somaliyed si ay iskaga dulqaadaan waxa fooosha xun ee dul  saaran.

Caaqilka ayaa sidoo kale bayaaniyay in Maleeshiyaadka iyo raga wata ee u dhashay Beesha Jaamac Siyaad aysan matalin oo ay yihiin Awr Kiraale ah.

Hadalka Caaqilka ayaa imaanaya ka gadaal dagaalkii kululaa ee dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo Maleeshiyada Jeegaanta ee Muuse Biixi,hoos ka daawo muuqaalka.