Video:-Puntland oo soo heshay qoondadii dhaqaalaha lagu fulinayo dib u Eegista dastuurka Fadaraalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Garowe.

Axmed Cali Xaashi,ayaa kasoo kicitimay Muqdisho oo uu kaga qaybgaay shirka looga arinsanayay hanaanka ugu fudud ee lagu fulin karo dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Fadaraalka.

Shirka Muqdisho ka dhacay ayaa ahaa mid uun magac uyaal ah oo kaliya lagu bislaysanayay dhaqaale laga rabay beesha caalamka,waxaana ilo lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen in dhaqaalahaas oo gaaraya Afar Milyan oo dolar lagu qaybsaday madasha shirkaas lana kala saxiixday.

Dhanka Puntand ayaa dhaqaalahaas waxaa kasoo gaaraya lacag dhan Hal Milyan iyo dhawr boqol oo kun oo dolar, lacagtaaas ayaa loogu talagalay fulinta barnaamijka dib u eegista dastuurka,balse ma muuqato in barnaamijkaas sidii loogu talagalay ufulayo ama usocdo.

Dib u eegsita dastuurka iyo ku ansixintiisa Afti dadweyne waxaa u rahman guul uu gaaro nidaamka Dowliga ah ee Somaliya,iyadoo sharciyan uu Dastuurku yahay qabyo ilaa inta lagu ansixinayo Afti dadweyne.

Dastuurka Dowlada Puntland ayaa qoraya in ilaa inta laga helayo Dastuur laysku waafaqsan yahay oo haysta kalsoonida shacabka ay u dhaqmayso Dowlad Madax banaan oo horumarinta Deegaamadeeda u taagan.

Ansixinta iyo dib u eegista Dastuurka KMG ah ee fadaraalka ayaa u baahan taxadar iyo ka baaraan dag aan deg-deg lahayn,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka