Video:-Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland oo dardargalinaysa Canshuuraha Bariga

Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland ,ayaa tababar usoo xirtay Maamulayaasha canshuuraha Bariga guud ahaan Gobolada Puntland.

Maamulayaashan ayaa la siiyay aqoon kororsi ku aadan hanaanka loo qaadayo canshuurta iyo sidoo kale ujeedadada loo qaadayo.

Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Guud  ee Wasaarada Maaliyada oo madasha ka hadlay ayaa ku booriyay Maamulayaasha tababarka loosoo xiray in ay shaqadaooda sii laba jabaaraan dardarna ay galiyaan soo xaranta canshuuraha Bariga.

Dowlada Puntland ayaa ku tiirsan inta badan Canshuurta  uga soo xaroota Alaabaha dhoofa ama soo dega,waxaana aad u yar Canshuurta uga soo xaroota dhanka Bariga ,taasoo muhiim ah haday soo wada xarootana wax weyn ka badali lahayd Miisaaniyada Dowlada ,sidoo kale yarayn lahayd ku tiirsanaanta Dekeda Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka