Cuqaasha beesha Jaamac Siyaad oo iska beri yeelay Taangigii Saabuuni ahaa”

Jaamac Siyaad waxay sheegeen in aysan haysan Saabuuni kaarihii ahaa ,isla markaana dhalinyaradii isku sawirtay ay ahaayeen kuwo la khalday oo aan waxba la socon.

”Tolkeyo Maxamed Harti waxaan u sheegaynaa in aanan haysan kaarahaas oo uu beri naga yahay dhalinyarada isku sawirtay ee ka dhashay beesha Jaamac Siyaad waa ka raali galinayanaa”ayay yiraahdeen odoyaasha Beesha Jaamac Siyaad.

Hadalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii dhalinyaro ka tirsan maleeshiyada horjoogaha u adeega Jeegaanta ee ina Canbaashe ay Taangiga Saabuuni oo si khaldan ugu galay farisin ay joogeen Maleeshiyadaas dagaalkii 15-ka bisha ee Tukaraq isku sawiray ,isla markaana ku shaaciyay baraha bulshada.

Beesha Jaamac Siyaad oo ka walwalsan in aanada taangigaas ay iyaga si gaar ah uraacdo ayaa iska beri yeelay haysashada Taangigaas.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka