Madaxweyne xigeenka Maraykanka oo udigay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya

Madaxweyne xigeenka Maraykanka Pence,ayaa uga digay Madaxweynaha dhalinyareeya ee waqooyiga kuuriya in uu la shir yimaado ciyaar xiliga uu la kulmi doono Trump.
 
Pence oo waraysi siinayay Tv-ga FOX NEWS ayaa yiri
 
“Waxay noqon doontaa khaladweyn haddii Kim Jong-un ay la tahay in uu ku dheeldheeli karo Donald Trump,” .
 
Pence ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo in Trump uu isaga baxo shirka loo ballansan yahay 12 Juunyo.
 
Wargayska New York Times ayaa Axaddii ku warramay in madaxweynaha Maraykanku uu lataliyeyaashiisa iyo kaaliyeyaashiisa waydiinayo in uu sii wado qorshaha uu uga qaybgalayo shirkaas iyo in kale.
 
Waqooyiga Kuuriya ayaa ka carooday hadal kasoo yeeray John Boltom oo ahaa in la marsiin doono wadadii Hubka looga dhigay Libiya.
 
Mucamaral Qadaafi-gii Liibiya, ayaa Hubkiisii burburiyay si uu ugu badsho in laga qaado cunaqabataynta ,balse 8-sano kadib waxaa xukunka ka tuuray oo dilay Jamhado ay reer Galbeedku soo abaabuleen.