Video:-Daawo Laascaanood oo leh saan-saan soo laabasho !!!

Waxaan Rabaa In Aan Reer Lascanod Xasuusiyo Sadex Calaamadood oo Markii Puntland Lascanod Ka Baxaysay Xaalada Magaaladu Ku Sugnayd .

Wakhtigii Puntland Magaalada Ka Baxaysay Waxaa Garoowe Ka Yimi Wafti Wasiiro iyo Xildhibaano Ah Oo Uu Hogaaminayo Gaagaab Oo Markaa Ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland Waftigaasi Iyaga Oo Aan Cidna Waxba U Sheegin Ayay Hotel Xamdi Isku Xareeyeen Ayaamo Yar Ka Dibna Markii Laascaanood La Qabsaday Iyaga Oo Kolonyo Ah Ayay Isdaba Galeen Oo Garoowe Aadeen.

Wakhtigaa Puntland Magaalada Ka Baxaysay Xaalada Amni Ee Magaaladu Faraha Ayay Ka Baxday .

Hada Calaamadihii Wakhtigaa Puntland Ka Muuqday Markii Ay Gobolka Ka Baxaysay Maanta Somaliland Ayay Ka Muuqdaan Waftigaa Barigaa Gaagaab Hogaaminayay Oo Kale Ayaa Hada Ku Sugan Lascanod Oo Sidii Wakhtigaa Ka Kooban Wafti Wasiiro Iyo Xildhibaano Ah Iyo Xaalada Amni Ee Gobolka Oo Iyana Sidii Wakhtigaa Si Ka Xun Faraha Uga Baxday .

Wakhtigii Puntland Magaalada Laga Qabsaday Bil Ramadaan Ayay Ahayd Roob Badanina Waa Da,ayay Xiligaas Maanta Waa Bil Ramadaan Roobaab Badanina Waa Da ,ayaan Markaa Calaamado Badan Oo Wakhtigaa Muuqday Ayaa Maanta G.Sool Ka Muuqda.

Xigasho Ayatulaa Abdulqaadir Hagar Hagar

 

Halkan ka daawo muuqaalka