VIDEO:-Madaxweynaha Khaatumo oo soo gaaray Garowe shir jaraa’id na qabtay

Cabdalle Maxamed Haybe (Caga-lule) Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe,ayaa si adag uga hadlay dagaalka Tukaraq iyo gardarada maamulka Jeegaanta.

Madaxweyne Cagalule ayaa si gaar ah u tilmaamay Cali Khaliif Galayr hogaamiyihii ugalay maamulka Jeegaanta ee mar ahaan jiray Madaxweynaha Khaatumo,siagoo ka hadlaya cali Kahliif iyo xaalkiisana waxuu yiri.

”Prof,Cali Khaliif Galaydh ayuu sheegay inuu ka mid ahaa Madaxdii dowladihii Soomaaliya xilalka kazoo qabtay,balse uu manta ku qanacsanyahay in lakala qaybiyo Ummada Soomaaliyeed ayna taariikhdu qorayso “waxaan ka xumahay in nin aqoonyahan ah oo qarankii Soomaaliya kazoo shaqeeyey uu aqbalo kala qaybinta bulshada,waxaan arkayey Profkii oo qoorta loo suray maro yar oo daliigo leh oo lagu sheegay Calan,Taariikhda qoraysa “.

Cagalule ayaa Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ugu baaqay  in ay qaadato doorkii looga baahnaa ee ilaalinta midnimada iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed.

Puntland ayuu ku amaanay doorka shariifka ah ee ay ka qaadatay ilaalinta midnimada iyo taageerida shacabka dulman ee Sool.

Waxaa lafilayaa in hawlgalka dib u xoraynta Sool kadib uu wada xaajood rasmi ah u bilowdo Puntland iyo Khaatumo,kaasoo lagu soo afjari doono kala fikir duwanaanshaha,iyadoo hada ay muuqato in ay isku meel uga soo wada jeedaan la dagaalanka maamulka Jeegaanta,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka