Video:-Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf muxuu ka yiri xaalada Laascaanood rabi ha unaxariistee?

Madaxweynihii hore ee Dowlada Fadaraalka Somaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo mar wax laga waydiiyay qabsashadii maamulka Jeegaanta ee Magaalada Laascaanood,ayaa yiri
 
‘Gobolada Waqooyi sidoodaba waa khaldan yihiin oo khalad badan ayaa ka jira,mawada oranayo shacabkoo dhan ayaa xun,balse waxaan leeyahay kooxda siyaasiyiinta ah ee xukunka haysata ayaa khaldan oo rabta in ay goostaan si kastooy ku heli karaan”ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
 
Madaxweyne Yuusuf rabi ha unaxariistee isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri”Waxan siinayaa talo ragaas ,waxaan leeyahay war sidaa wax laguma helo xoogna layskuma qabsan karo ee talada si kale ubadala oo wada xaajood iyo wada hadal wax ku raadiya,hadaad diidaan oo aad sidaa kusii adkaysataan oo aad kala bixi waydaan ciidankiina meeshaas ,,hada Dowlada Fadaraalka ah xil baa ka saaran kamana aamusayso Puntland kaliyana lgama qabsan Magaaladaas”.
 
Hadalkan ayaa ah mid maanta xaalkiisu taagan yahay,iyadoo lawada og yahay in doorkii Dowlada Fadaraalka uu ka  maqan yahaydifaacida midnimada iyo qaranimada dalka,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka