Maleeshiyada Dowlada Muqdisho oo Dad shacab ku laayay Suuqa Bakaaraha

Waalidinta Labo wiil oo ay Maanta Maleeshiyada u abaabulan Ciidanka amniga Dowlada Villa Muqdisho ay ku dileen Suuqa Bakaaraha,ayaa caawa hadal ay siiyeen saxaafada Muqdisho waxay ku sheegeen in Dadkii la dilay ay ahaayeen Shacab iyo Ciidan,
 
Cali Maxamed Mire oo Adeer iyo Abti u ahaa labada Wiil ee lagu kala Magacaabo Mowliid Axmed Maxamuud iyo C/qaadir Xeirsi Aadan Salaad ayaa sheegay in ay kala ahaayeen Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Guutada Dal-jir ee maleeshiyada Dowlada taageera iyo Time Jare Caan ka ah Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
 
Waalidiinta Wiilasha la dilay ayaa sheegay iney haayaan Cadeymo cadaynaya in wiilasha la dilay aysan ahayn Alshabaab, waxayna dalbadeen in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo, sida dilkaasi u dhacay.
 
Hadalkan ayaa ka danbeeyay ka gadaal markii Wasaarada amniga ee Dowlada Muqdisho ay shaacisay galabta in ay dishay labo ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab .
 
Waalidiinta dhalay Wiilasha la dilay ayaa ku canbaareeyay Wasaarada Amniga warka been abuurka ah ee ay sii daysay.
 
Mahan wax lala yaabo dhacdadan iyadoo lawada og yahay in maalin walba ay dhacdo dhacdadan oo kale.