Hagardaamo Qaran oo dhamaystiratay Wasiiro ka dhimanaa Kooxdooda

Wareegtada ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golihiis Wasiirada

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay, sidoo kale waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya.

Dhamaan Shaqsiyaadka la magacaabay waa kuwo uu soo xulay Fahad Yaasiin laguna soo xulay u dabacsanaan kooxda Nabad iyo Nolol la magacbaxday ee sida dadban uga talisa Villa Somaliya.

 

Hadaba halkan hoose ka akhriso Magacyada.

Xilalka Wasiirada

1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir kuxigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha arrimaha

2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka