Zimbabwe oo baadi-goobeysa dhaymankii Mugabe

Zimbabwe's President Robert Mugabe addresses the ZANU-PF party's top decision making body, the Politburo, in the capital Harare, February 10, 2016. Mugabe, the only leader that Zimbabwe has ever known, turns 92 this month amid escalating tensions within his ruling ZANU-PF party over who will eventually succeed him. REUTERS/Philimon Bulawayo TPX IMAGES OF THE DAY - RTX26CYU

Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay ku cadaadiyaan madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mugabe inuu keeno caddeymo muujinaya halka ay ka baxeen dhayman lagu qiyaasay 15 bilyan oo dollar, intii uu xukunka hayey.

Guddiga macdanta oo uu hoggaamiyo sharci dejiye Temba Mliswa ayaa sheegay inay Mugabe su’aalo ku weydiin doonaan qasriga uu ka degan yahya magaalada Harare ee loo yaqaan Blue Roof.

Mliswa ayaa sheegay in go’aankan uu ka dambeeyey isku dayo hore oo guuldarreystay, kuwaas oo la doonayey in Mugabe uu ku horyimaado baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo dhaymanka maqan.

Mugabe iyo afhayeenkiisaba weli wax war ah kama aysan bixin arrintan.

Ururada aan dowliga ahayn iyo xeel-dheerayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya inay filayaan in Mugabe uu ku eedeeyo milatariga inay dhaymanka kala baxeen goobo laga qodo, oo ku yaalla magaalada Chiyadzwa, ee gobolka Manicaland.