Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlada Puntland oo ku aadan dagaalka”

Dawladda Puntland waxay usheegaysaa Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalanka in saaka Arooryo Abaara 5.30 subaxnimo ay marka kale Soomaaliland soo weerartay Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in mas’uuliyada dagaalkaas uu qaadayo Maamulka Hargeysa oo ah duulaaan joogto ah, isla markaana Puntland ay difaacayso dalkeeda iyo dhulkeeda.

Dawladda Puntland waxay usheegaysaa shacabkeeda dhammaan gudo iyo dibad-ba in ay garab istaagaan ciidamadooda, isla markaana ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda duulaanka lagu yahay.

Dawladda Puntland waxay u sheeegaysaa shacab-weynaha gobolka Sool inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo karaamadooda ee duulaanka lagu yahay.

Ugu dambeyntii Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland inay ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda.

– DHAMAAD –