Duufaanno Kusoo Socda Xeebaha Soomaaliya

Urur goboleeedka IGAD ayaa ka digay duufaanno kusoo fool-leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland.

War saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa digniin ka bixisay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii taraysa ee duufaanno ka soo kacaya gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

Qubarada ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan ayaa oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30 mm.

Dad ku dhow 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay gobollada Awdal iyo Salal.