Majaajiliiste Ruush ah oo si yaab leh u khiyaamay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Britain

Nin Ruush ah ayaa wacay wasiirka Arimaha Dibadda ee Britain Boris Johnson isagoo isaga dhigay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Armenia.

Ninkaas ayaa la sheegay inuu yahay majaajilayste dadka ka qosliya.

Codkan oo onlineka la galiyay ayaa laga maqli karaa wasiirka arrimaha dibadda ee Britain oo guusha doorashada ugu hambalyaynaya qofka soo wacay ka dibna sii wada oo kala hadlaya xiriirka Ruushka iyo UK, weerarkii kiimikada loo adeegsaday ee Salisbury ka dhacay iyo Suuriya.

Waxaa ka muuqata in wasiirka ay xiiso galisay markii ninka soo wacay uu u sheegay in Putin uu saamayn ku leeyahay Jeremy Corbyn oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha.

Boris ayaase markii dambe ku baraarugay taleefankiina jaray.

Dawladda UK waxay rumaysan tahay in wicitaankaas uu ka dambeeyay xafiiska looga arrimiyo Ruushka ee Krimlinka.

Xog laga helay dublamaasi sare oo reer UK ah ayaa lagu sheegay in arrintan ay u muuqato iskudaygii u dambeeyay ee Ruushku uu ku doonayo inuu ku badbaadiyo wajigiisa ka dib markii si caalami ah loogu ceebeeyay weerarkii Skripal oo ahaa jaajuus hore.

Dawladda Britain ayaa sheegtay in baaritaan lagu samayn doono sida ay u suuragashay in qofka taleefanka soo diray loogu gudbiyo wasiirka arrimaha dibadda.

“Ma ahayn in arrintaasi dhacdo. Baaritaan ayaa socda, si loo ogaado waxyaabaha la xiriira taleefanka, loona xaqiijin lahaa in aysan mardambe dhicin arrintaas oo kale”, ayay tiri haweenay u hadashay xafiiska ra’iisulwasaaraha Britain ee NO 10.