Ciidamada difaaca Puntland oo ka hortagay weerar gaadmo ahaa

Ciidamada difaaca Puntland waxay ka hortageen weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen Maleeshiyada Jeegaanta.
 
Weerarkan oo ay kusoo qaadeenMaleeshiyada Jeegaanta jiho cusub oo ku aadan dhanka Degmada Boocame si ay ugu furaan puntland aag dagaal oo kale.
 
Ciidamada Difaaca Puntland oo helay xog sirdoon ayaa ka dogtoonaaday si qorshaysana u fashiliyay weerarkaas.
 
Maleeshiyada jeegaanta ayaa weerarkan laga fashiliyay waxaa kasoo gaaray khasaare,waxaana looga gubay hal Gaari oo kuwa dagaalka ah.
 
Ciidamada difaaca Puntland ayaa goobtii ay weerarka kasoo qaadeen maleeshiyada Jeegaanta la wareegay haatana difaac ka galay.
 
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay Puntland qaado weerar xoog leh oo ay labadii maalmood ee udanbeeyay isu diyaarinaysay.