Puntland oo amar ku bixisay in aan la shaacin karin Maxaabiista iyo qalabka laga qabsado cadowga

Dowlada Puntlad oo markale sii adkaysay xifdinta macluumaadka Maxaabiista,gaadiidka iyo Maydadka laga qabto cadawga.
 
Horay ayay Dowladu ugu guulaysatay in ay xakamayso xogaha Ciidanka iyo macluumaadka qalabka iyo maxaabiista cadawga laga qabto xliyada dagaalka,balse amarkan ayaa sii adkaynaya go’aankii horay ujiray.
 
Dhamaan waxaa lagu amray shaqaalaha Dowlada,hawlwadaeenada Caafimaadka iyo Saraakiisha Ciidanka in ay siday tahay uqaataan amarkan kuan dhaqmaan.
 
Ilaa iyo hada Dowlada Puntland waxay gacanta ku haysaa Maxaabiis gaaraysa 43-Maxbuus oo laga qabtay maamulka Jeegaanta ,sidoo kale waxay Dowlada Puntland aastay 13-mayd ah oo Maleeshiyada Jeegaanta ah.
 
Dhamaan shaqaalaha Dowlada Puntland iyo saxaafada ayaa lagu amray loona sheegay in ay fuliyaan amarkan,cidii jabisana waxaa lagu wargaliyay in ay xabsi mutaysan karto.