Farmaajo oo hakiyay dacwadii muranka Badda Ee Kenya wada hadalna ka furay

Labada Madaxweyne ee Kenya iyo Somaliya waxay wada qateen kulan xasaasiya oo ay uga xaajoonayeen arimaha muranka Badda.
 
Farmaajo iyo Uhuru oo kulankoodu uu ahaa mid Saxaafada ay banaanka ka joogtay,ayaa qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliya waxaa lagu sheegay in ay isku afgarteen in la dhiso gudi wadajir ah oo ka kooban labada dal,kaasoo lagu magacaabay xaqiiqo raadin arimaha muranka Badda ee labada Dal ay isku hayaan.
 
Gudigan xaqiiqo raadinta ah ayaa booqandoona Magaalooyinka ku teedsan Xuduuda sida Beledxaawo iyo Mandheera waxayna soo saari doonaan warbixin wadajir ah.
 
Talaabadan ayaa ah midii ay Dowlada kenya mudo raadinaysay,waxayna u tahay fursad dahabiya oo soo martay.
 
Xeeldheerayaasha arimaha Badda ee murankan la socday ayaa u arka hadiiba loo ogolaaday Kenya in wada hadal lala furo ay ka dhigan tahay in ay Kenya ku guulaysatay murankii Badda ee kala dhaxeeyay Somaliya.
 
Waxaa xusid mudan in Dowlada Norway ay mudo badan raadinaysay sidii xuduud badeedka ay isku hayaan labada dal ay ugu gacan galin lahayd dowlada Kenya si ay ugu fududaato shidaal baaris ay ka sameyaan shirkadaha dalkaas xeebtaas.
 
Waxaa lawada ogsoon yahay in ra’isalwasaare Khayre uu ahaa shaqsi ay magacaabistiisa dabada ka riixayeen Shikadaha shidaalka ee Norway,isla markaana mudadii sanadka iyo barka ahayd ee uu joogay xaafiiska uu ku mashquulsanaa sidii ay ugaari lahaayeen shirkadahaas danahooda ku aadan shidaal ka baarista Badda u dhaxaysa Somaliya iyo kenya.
 
Waxaa iyaduna xusid mudan in Farmaajo tagi doono Norway si uu usoo galo heshiisyo qarsoon oo horay loo diyaariyay,kadib marka dhanka Kenya la dhameeyo hawlaha inta ay ka leedahay.
 
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Norway ayaa dhici kara lugta hada uu ku joogo Kenya ama lug labaad oo uu kusoo laaban doono.
 
Dhanka kale waxaa jira iyaguna dano kale oo ay gaar uleeyihiin kooxda Nabad iyo Nolol,kuwaasoo ay kenya la fududaynayso.
 
Arimaha kooxda Fahad Yaasiin uu hogaamiyaha dadban ka yahay lala fududaynayo ee qaybta ka ah arimaha lagu badashay dacwadii Badda ayaa kala ah:-
 
 
B.Kenya in ay kala shaqayso isfahan dhexmara kooxdaas iyo Itoobiya.
 
T.Kenya in ay kala shaqayso isfahan dhexmara kooxdaas iyo Dowlada Jubaland.
 
J.kenya in ay kala shaqayso canbaarayn ay ku midaysan yihiin madaxda IGAD in dusha laga saaro Dowlada imaaraadka Carabta.
 
Dhamaan arimahan Kenya way aqbashay durbana waxayba bilowday in ay qaybtii ugu horaysay ay fuliso.
 
Kenya waxay ku casuntay Caasimadeeda Madaxweyne Axmed Madoobe ,waxayna ilo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in isla xalay uu dhexmaray kulan labada Madaxweyne ee Farmaajo iyo Axmed Madoobe,balse wali si saxa ah uma cada natiijada kasoo baxday kulankaas waxa ay ahayd.
 
Sidoo kale Dowlada Kenya waxay xiriir la samaysay Dowlada Itoobiay ,gaar ahaan Xaafiiska ra’isalwasaarha cusub ee Attoo Abiye,waxaana xoguhu tilmaamayaan in Abiye laga yaabo in uu soo gaaro Nayrobi si ay ukulmaan Farmaajo ama waxaa dhici karta in Farmaajo gaaro Itoobiya.
 
Abiye ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ah masuul kaga duwan masuulkii kaga horeeyay Attoo Desale arimo dhawr ah,waana Masuul ay kooxda Fahad Yaasiin si fudud xiriir ula samayn waayeen.
 
Todobaadkii hore mar uu si dhuumasho diblomaasiyadeed ku tagay Fahad Yaasiin Adis-ababa way usuurtoobi wayday in uu galgal ku yeesho Xaafiiska Ra’isalwasaare Abiye iyo sidoo kale Xaafiisyada Sirdoonka iyo Gaashaandhiga,waxayna ilo xog ogaal ah sheegeen in ugu danbayntii Fahad lagu amray in uu kaga baxo Itoobiya mudo kooban.
 
Waxaa muuqata in Farmaajo bohol siyaaasadeed uu ku dhex dhacay,isla markaana uga khatarsan yahay dalka hogaamiyayaal badan oo la xaman jiray,,inkastoo arimaha socda uusan saamayn badan ku lahayn oo talada ay kasoo baxdo gacan dadban hadana waxa la isticmaalayo waa magaciisa iyo maqaabkii Somali ku aamintay.
 
Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa isku tilmaanta mid wadaniya oo ka fog musuqmaasuqa iyo danaysiga,balse taasi waxay noqotay sheegasho aan waxba ka jirin.
 
Nasiibdaro ka weyn majirto in gacanta Dowlada fadaraalka ah ay ku baxdo xuduud Badeed ay dhex ceegaagan khayraad dabiiciya oo Umada Somaliyed ay wada leedahay.
 
Waxa is waydiinta mudan ayaa ah maxaa loo eedeeynayaa masuuliyiin hore hadiiba ay sidaan u dhaqmayaan Farmaajo iyo Khayre.