Video:-Maxaa looga xaajooday shirkii golaha Wasiirada Dowlada Puntland?

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamad cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid tahay xaaladda deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka ah ee  Soomaaliya, iyadoo shirka laga soo saaray war-murtiyeed u qorna asidan:

Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Somaliland kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Somaliland kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Somaliland.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor oo Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya awoodaha federaalka iyo mida Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumadda qabyo qoraal ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka