Zidane oo iska casilay tababarnimadii kooxda Real-Madrid

Tababaraha Real Madrid Zidane aya shir jara’id u qabtay si layaab leh saxafadda ugu sheekay inu iskaga tagay shaqada macalinnimo Naadiga caanka ah ee  Realmadrid.

Maalmo kadib markii uu qaaday koobkiisa 3-aad ee champions league ayuu codsaday in laga aqbalo codsiga ah inuu kooxda ka tago walina lama hubo sababta dhabta ah ee ka danbeysa inuu baneeyo shaqadii tababarnimo ee kooxda Real, Walow uu sheegay in kooxdu ay u baahantahay is badal.

Zidane ayaa kooxda Real madrid u gacan galiyay koobab muhiim u ah,kuwaasoo kala aha:-

3-Champions league oo xariir ah sanadaadii 2016kii,2017kii iyo sanadkan 2018ka,iyo labo- UEFA Super Cup, labo-Club world cup iyo hal-La liga.