Beesha Barkad oo ku wareejisay Madaxweyne Camey Hub iyo Ciidan

Beesha Guuleed Garaad Barkad oo 4-Gaari oo Tikniko ah Ku Wareejisay Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ENG Camey.
 
Gaadiidkan Dagaalka Waxaa ku Wareejiyey Puntland Nabadoon Bashiir Osmaan Waraabe Dheere.
 
Waa qayb kamid ah ka qaybqaadashada hawlgalka dib u xoraynta Laascaanood oo ka timid beesha Barkad.
 
Camey ayaa gaaray Buuhoodle maalinkii shalay ahaa,waxaana la filaya ain uu sidan oo kale beelaha kale ee reer buuhoodle kala wareego Ciidan iyo Hub lagu xoojiyo hawlgalka dib u xoraynta Sool.
 
Guud ahaan Puntland waxaa ka socda abaabulka iyo garab istaaga Ciidanka Difaaca Puntland ee ku guda jira hawlaglka dib u xoraynta Sool.