Garanwaa

Garanwaa

Waa waayada ka mid ah Saancaddaale ayaa geed Garanwaa la yidhaahdo tallaalay. Garanwaa (prosopis juliflora) degdeg ayuu u baxay oo yeeshey laamo dhaadheer, caleemo doog iyo diraac cagaaran, qodxo iyo xididdo xoog leh. Geed abaareed weeye oo gunta hoose biyaha ka doonta. Dhirtii kale ee kala jaadjaadka ahaa, nacfiga badnaa, dabeeciga ahaa, geed-guriga ahaa ayuu degaankii ka xaalufiyey. Dhammaan dhulkii, miyi iyo magaalaba, ayuu ku faafay. Oggolaanwaa geedo kale in ay ka ag baxaan. Midho dadku cuno ma laha. Xooluhu aad uma jecla. Dhib mooyee, ma jiro wax laga dheefo. Waa keligii-noole. Waa gafane jaqa dhiigga naflayda. Dadkii iyo duunyadii ayaa quus ka istaagay. 

“Maxaynnu Garanwaa ka yeellaa?” – ayay dhiryaqaannadii iyo culimmadii sayniska is-weyddiiyeen. “Sidee baynnu degaanka uga badbaadin karnaa?”

“Aynnu dadweynaha ka wacyigelinno halista Garanwaa uu bay’adda u leeyahay. Aynnu adeegsanno qalabka warbaahinta, sida raadiyaha, telefisiyoonka, wargeysyada, Internet-ka iyo Meediyaha Dadweynaha. Waa in muwaaddin kasta oo Soomaali ah bartiisa iyo goobta uu ku noolyahay kaga qaybqaataa cidhibtiridda Garanwaa.” – mid culimmadii sayniska ka mid ah ayaa taladaa soo jeediyey. Giddi saynisyahannadii fekreddaa waysku wada raaceen. 

“Miyeynnu xukuumadaha degaammada Soomaalidu degto ka jira ku dhiirrigelinnaa in arrintan halista ah ay wax ka qabtaan?” – mid kale ayaa isna taladaa soo bandhigay. Hase ahaatee, soo-jeedintaa si xoog leh ayaa intii badnayd u qaaddacday. 

Culimmadii waxay diidmadoodaas ku saleeyeen in Garanwaa iyo guddoomiyeyaasha degaammadu yihiin dameer iyo labadiisa dhegood. 

Gobaad Cumar Guuleed

London, 19.05.2018