Puntland:-Dagaal markale maanta dhacay iyo Alshabaab oo khasaare lixaad leh la gaarsiiyay

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 02 June,2018 hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab ka fuliyeen degaanka #Maraje ee Buuraha Cal Madow.
 
Hawlgalkan oo ay ciidanka PSF ku beegsadeen kaga na daba-tageen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa #Togga Maraje ayaa wuxuu jawaab-celin u ahaa weerar gaadmada ahaa ee ay xalay Al Shabaab ku soo qaadeen xero ciidanka PMPF ee Puntland ku leeyihiin degaanka Balikhadar; i
 
Hawlgalku inta uu socday waxay ciidanka PSF ka dileen argagixisada Al Shabaab 41-ka mid ah Al Shabaabkii xalay soo weeraray Balikhadar, waxaana sidoo kale laga dhaawacay Al Shabaab 32 xubnood,
 
Taliska ciidamada difaaca Puntland ee (PSF) ayaa xaqiijiyay weerarkan maanta dhacay iyo khasaaraha la gaarsiiyay argagixisada Alshabaab.