Saranseer

Saranseer

Nin reer Mudug ah oo Saranseer ku magacdheeraa, ayaa la sheegey in xaaskiisa ay aad u dhibi jirtey oo harsi iyo hoyaad u diiddey. Intuu xaafadda ku suganyahay, wuxuu oridiisa kala kulmi jirey canaan, aflaggaaddo, qaylo, daryeelxumo, cuntoxumo, nasiinola’aan iyo jiifxumo. Hase ahaatee, intuu guriga ka maqanyahay ayuu afadiisa ka nafisaa oo lurka iyo walbahaarku ka hadhaan. Kolkuu xaafadda ku sii socdo oo uu sii hoyanayo ayuu, xaajada ka horreeysa ee uu la kulmi doono ka sii walaacaa, maxaad, sideed iyo xaggeed caawa kaga ammaan heshaa is-weyddiiyaa.

Maalin maalmaha ka mid ah, goor uu shaqadiisii ka soo rawaxay, ayuu masjidkii xaafadda ku dhowaa soo galay oo salaaddii Casar ku tukaday. Kaddib shiikh muxaadarad la xiriirta dhanka aakhiro halkaa ka jeedinayay ayuu wax ka dhegeystey.

Wadaadkii wuxuu yidhi: ”Ragga Ahlu-Jannada ah qasri weyn ayaa la siiyaa. Isagoo malaa’igi galbinayso ayaa markuu is yiraahdo ’qasriga gal’ arkaa hablo Xuurul Cayn ah oo kala nooc-nooc ah. Kolkuu is yiraahdo Xuurul Caynta dhankooda tag, baa lagu odhanayaa, ’maya kuwani waa shaqaalahaaga, kuwo ka sii wacan ayaa kuu haray ee qaybta kore tag’. Markuu xagga loo tilmaamay u ruqaansado ayuu mar kale qaar Xuurul Cayn ah oo kuwii hore ka sii qurux badan arkaa. Kol labaad ayaa la odhanayaa, ’maya kuwan qaar kaloo ka sii wanaagsan ayaynnu kuu haynnaa oo aad iska leedahay, dusha sii aad’.”

Saranseer oo wali hadalkii shiikha u dhegataagaya oo u sii qushuucsan oo ku haya, ’tolow maxaa xigi oo uu odhan doonaa’, ayuu wadaadkii gebaggebadii yidhi: ”Qolalka midka ugu dambeeya ayaad galaysaayoo waxaad ugu tegeysaa xaaskaagii adduunka oo sariirtii jiifka kugu dhawraysa”.

Ninkii oo caraysan baa intuu sarajoogsaday yidhi: ”Shiikhow, Xadiiskan aad carrabbaabtay muran baa ka jira’e, innaga hubi in uu daciif yahay iyo in kale”.

Gobaad Cumar Guuleed
London, 08.02.2018