Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya, shirkaas oo lagu gurfeyndoono arimaha siyaasada, Cadaalada iyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhinca Kale Madaxweymaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warabaahinta lahadlay markii uu gaadhay magaalada Baydhabo ayaa sheegey inuu magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed uu u yimi ka qayb galka Shirka amniga Qaranka.

“Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhoweenta iyo walaaltinimada ay nagusoo dhoweeyeen, marwalba waan uga mahad naqaynaa soo dhoweenta ay kamuuqato ehelnimo iyo Soomaalinimo waa ku mahadsan yihiin, waxaan u maleen laba todobaad ka hor bay ahayd markaan halkaan iskugu nimid Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka soomaaliya, hadana waxaa la iskugu soo laabtay baydhabo inuu ka dhaco shirkii amniga qaranka Soomaaliya, waxaan rajeenaynaa inuu shirkaas noqdo mid mirodhala oo u horseeda guul iyo horusocod aad ayaad u mahad santihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.