Hadalka Dalxa iyo weerarkii argagixisada ma isla socdaan?WQ,Jibril Qoobey.

Maalin ka hor weerarka Alshabaab ee Puntland,ayuu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay in Puntland hubka laga dhigo oo weerar lagu qaado.

Mahan hadal fudud,sidoo kale mahan hadal la oran karo waa iska yiri,xile gubahan horay uhaan jiray Xildhibaanka .

Dalxa hadalka uu sida cad ula soo istaagay waa in lagula xisaabtamaa,iyadoo loo marayo sharciga dalka uyaal.

Si gaar ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah waa in ay Dalxa ka mamnucaan in uu qayb ka noqdo dhamaan qorshayaasha loo diyaarinayo horusocodnimada dalka,sidoo kale waa in uusan cag soo dhigin deegaamada ay ka arimiyaan.

Dalxa hadalkiisu waxuu gaarsiiyay in loo aqoonsan karo qaswade nabada iyo nidaamka dalka khatar ku ah,si dadbana ula shaqeeya kooxaha qaswadayaasha ah.

Waa in uu ka shalaayaa Dalxa hadalka kasoo yeeray,qiimo kululna ugu kacaa ciqaabtiisa.

Jibril Qoobey.