Ciidamada difaaca Puntland oo ku wajahan Laascaanood maalmaha soo socda!!

Maalmahan waxaa saxaafada qaarkeed ay qoraysay warar ay sheegeen in ay kasoo xigteen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyada,kuwaasoo sheegaya in wada hadal ubilowday Puntland iyo Somaliland,wada hadalkaas oo ay gar wadeen ka tahay Dowlada Itoobiya
 
Hadaba xiriir aan la samaynay Madaxtooyada Puntland ayay warkaas si adag ugu beenisay.
 
Madaxtooyada ayaa sheegtay in uusan warkaasi sal iyo raad toona lahayn,isla markaana aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid hawlgalkii difaaca dalka.
 
”Puntland waa wadaysaa difaaca dalka inta Taako kamid ah dhulkeeda uu ku jiro gacanta cadawga”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha sar-sare ee Madaxtooyada Puntland.
 
Sidoo kale saraakiisha ugu saraysa hogaanka Ciidamada difaaca Puntland oo aan xiriir la samaynay,ayaa dhankoodana noo xaqiijiyay in uu warkaas been abuur yahay hawlgalkaasna aysan jirin wax iska badalay.
 
Majirto wax isbadal ah oo ku yimid qorshihii dib u xoraynta iyo difaaca dhulka Puntland,sidoo kale hawlgalku hal saac dib u noqon mahayo”sidaa waxaa yiri mid kamid ah saraakiisha Ciidanka difaaca Puntland oo ku sugan Taliska Ciidanka.
 
Isku soo wada duuboo dowlada Puntland waxay si xoog leh ugu hawlan tahay abaabulka dib u xoraynta Sool,waxaana la filan karaa maalmaha soo socda hawlgalkii ugu xooga badnaa oo ay qaadaan Ciidamada difaaca Puntland.