Video:-Trump oo Afur usameeyay Safiirada dalalka Islaamka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka ee fadhiya magaalada Washington.
 
Danjirayaal 50 kor u dhaafaya ayaa afurka ka qeyb galay, walow warbaahinta ay sheegtay in afurkaasi sanadkan aan loo joogin sida kuwii sanadihii hore, waxaana ka maqnaa hogaamiyeyaal muslimiinta Maraykanka ka tirsan oo lagu marti qaadi jiray kuwaas oo sanadkan ka soo qeyb galin.
 
Kulankan afurka ah ayaa u muuqday mid cidlo ah marka loo eego kii sannadkii hore ee uu madaxweynihii hore ee Obama u sameeyay muslimiinta.
 
Shucuubta Islaamka ayaa u arka Madaxweyne Trump hogaamiye cadaawada Islaamku saldhigatay oo ana waliba qarsan madalo fara badana ka jeediyay hadalo ay muslimiintu ka caroodeen,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka