Golaha amaanka oo markale xaqiijiyay in midnimada Somaliya ay lama taabtaan tahay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad fadaraali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.
War kasoo baxay Golaha Amaanka ee qaramada midoobey,ayaa waxaa si buuxda u wada taageerey 15-ka wadan ee xubnaha ka ah golahaasi oo kala ah:-
 
-Ruushka………Guddoonka sanadkan haya.
-Maraykanka,
-China,
-France,
-UK,
-Bolivia,
-Côte d’Ivoire,
– Equatorial Guinea,
-Ethiopia,
-Kazakhstan,
-Kuwait,
-Netherlands,
– Peru,
-Poland
-Sweden.
 
Warka uu Golaha shalay kasoo saaray arrimaha Soomaaliya qeybta looga hadlay Midnimada & Madaxbanaanida dalka ayaa lagu yiri;
 
“The Security Council reaffirms its respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia. The Security Council notes with concern that internal and external pressures risk undermining Somalia’s political unity. The Security Council underscores the importance of working to prevent destabilizing effects of regional crises and disputes from spilling over into Somalia, and the need for all stakeholders including Somalia’s international partners to work constructively to support the federal system and its institutions and to respect Somalia’s peace- and State‑building process.
 
Golaha Amaanka wuxuu markale cadeynayaa xushmada loo hayo Madax-banaanida (Dhulka iyo Siyaasad) iyo Midnimada guud dalka Soomaaliya. Golaha wuxuu ogsoon yahay farogelinta gudaha iyo dibada ee lagu khal khal gelin karo Midnimada Soomaaliya. Wuxuu Golaha u arkaa muhiim in laga shaqeeyo in xiisadaha gobalka ka jira aysan saameyn ku yeelan Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay in Soomaaliya iyo dhamaan dalalka daneeya Soomaaliya (Beesha Caalamka) ay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa “Nidaamka Federaalka” iyo hay’adaha dowlada loona xaqiijin lahaa Nabadeynta iyo dib u dhisida dalka.
Waxaa kaloo Qaramada Midoobay ay ku boorisay Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda gobolka Sool, ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, iyo in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo.