Video:-Puntland oo ka hadashay xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Alshabaab

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo akhrinayey war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in maamulka Soomaaliland uu caddaystay xiriirka uu laleeyahay Alshabaab kadib markii uu sheegay in raggii weeraray Saldhigga Balli-khadar iyo kuwii ciidanka Puntland laayeen ay ahaayeen dhalinyaro aan waxba galabsan.
 
Mudane Timacadde ayaa sheegay in wiilka uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo katirsanaa Alshabaabkii loo soo diray Puntland oo ka cararay uu ugu dambayntii isku qarxiyey wadanka Suuriya, iyadoona dowladda Puntland ay ugu baaqday caalamka inay baaritaan ka furaan xiriirka Alshabaab iyo Soomaaliland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka