Video:-Dhismaha Piazza Libera Ee Ceelgaab Oo la burburiyay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay dhismo shirkadda ECO ay ka dhistay barxadda Piazza Libera ee degmada Xamar Jajab, kaasoo muran badan uu ka taagnaa sharci ahaantiisa.

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu burburiyay dhismaha Piazza Libera maadaama goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa horay u hakiyay dhismaha goobtan, kadibna amray in baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha ee lagu joojiyay bixinta dhulalka danta guud.

“Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, wuxuuna yahay weli mid dan guud, Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dowladda la bixin karin, iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka