Wasaarada Difaaca Maraykanka oo shaacisay Askarigii Jimcihii looga dilay Somaliya

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka,ayaa shaacisay sawirka iyo magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose.
 
Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander W. Conrad oo 26 jir ah,waxaa uu ku dhashay Arizone, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1aad, gaar ahaan kooxda 3aad ee ciidanka sida gaarka u tababaran.
 
Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal askari oo ka qeyb qaata howl galada gaarka iyo taageerida Ciidamada dowladda iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakada Al-Shabaab.
 
Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar duqeyn oo Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askariga Mareykanka, halka lagu dhaawacay afar kale, sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Kenya ayaa khasaare ka soo gaaray weerarkaas.