Maxaa sababay dabka kacay kaydka Codadka doorashooyinka Dalka Ciraaq?

Dab ka kacay bakhaarka ugu wayn ee la dhigo waraaqaha codaynta doorashada Ciraaq ayaa la xakameeyay, iyadoo lagu baaqayo in dib loo tiriyo codadka doorashada.
 
Codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka bari ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa lagu hayay bakhaarka gubtay.
 
Saraakiishu waxay sheegeen in laga yaabo in waraaqaha coddayntu ay ku jireen bakhaarka gubtay balse intooda badan aysan waxba soo gaarin.
 
Doorashadii baarlamaanka ee bishii hore waxaa ku guulaystay is bahaysi u hogaaminayo wadaadka Shiicada ah ee Muqada Sadr.
 
Iyada oo bartanka lagaga jiro eedaymo ku saabsan in ay wax isdabomarin dhacday, baarlamaanka wakhtigiigu sii dhamaanayo ayaana amray in dib loo tiriyo ilaa 10 milyan oo cod.
 
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la xaqiijiyay in dabku uu ka kacay mid ka mid ah labadii bakhaar ee waraaqaha lagu codeeyay ku jireen.
 
Masuuliyiinta Ciraaq wali kama aysan hadlin in dabka si ula kac ah loo huriyay iyo in kale.
 
Talaadadiina Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xaydar al Cabaadi ayaa ka digay in laamaha ammaanku ay hayaan caddaymo “aan meeshaba la soo dhiganin” oo ku saabsan rabshado dhacay intii ay codayntu socotay.
 
Xigasho BBC Somali