Madaxweyne Gaas oo ugu deeqay dhaqaale Agoonta Puntland

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu deeqay agoonta Puntland lacag soddon kun oo doollar ah (30,000) , lacagta ayaa la sheegay madaxweynaha inuu ugu tala-galay ciid-siinta agoonta.

Madaxweyne Gaas, ayaa lacagta u wakiishay wasiirka cadaaladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac oo markiiba si toos ah lacagta ugu wareejiyay guddiga dallada agoomaha Puntland oo la aasaasay sanadkii 2015.

Guddoomiye ku-xigeenka dallada agoomaha Puntland,Sheekh Cabdow Cabdullaahi ayaa madaxweynaha Puntland ugu mahadceliyay deeqda lacageed ee uu ugu tala-galay in lugu ciid-siiyo agoonta,wuxuuna sheegay afar iyo taban xarumaad oo ku kala yaalla Puntland inay ku xareysanyihiin 3,683 agoon, “Inta badan wiilasha ayaa xareysan gabdhahanna waxaa lugu caawiya oo iskuullada laga bixiya iyagoo guryahooda jooga maaddaama ay dumar-yihiin.. Ciid-siintooda waxaan ku dadaalna marka ugu horreeysa qof kasta gaar ahaanna askarta oo marka ay dhintaan aan diiwaangelino carruurtooda,xilliga ciidda la-gaaranna waxaan iskudeyna meel kasta oo ay hooyada ku heyso agoonta inan ka farxinno.” ayuu yiri Sh Cabdow Cabdullaahi.

Gabagabadii, wasiirka cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qeybqaatan ciid-siinta agoonta oo u sheegay ilmo kasta in loogu talagalay soddon doollar, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha Puntland oo u sheegay sannad walba inuu door weyn ka qaato ciid-siinta iyo taageerrada carruurta agoonta ah.