Video:-Kulan taariikhiya oo dhexmaray hogaamiyayaasha Maraykanka iyo K.Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ahaa mid wax ku ool ah oo kalsooni geliyay.

Trump wuxuu sheegay inuu joojinaya dhoolatuska militari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyerka.

Sida ku cad heshiiska ay labada hogaamiye saxiixeen, waxaa ka go’an sidii Nukliyerka looga ciribtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka.

Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyerka.

Madaxweyne Trump wuxuu yiri “Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka”

Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha waxay kala saxiixdeen dokumenti ku baaqayay in labda dal ay billowdaan xiriir cusub.

Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Waxay isku salaameen hoteel loo dalxiis taga oo ku yaalla Jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore ka hor inta ay u billaabanin wadahadallada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Hakan hoose ka daawo muuqaalka

 

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha Qaarada Asia iyo kuwo kale oo caalamka ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka gobolka, kadib kulankii taariikhiga ahaa ee Talaadada maanta dalka Singapore ku dhexmaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in, oo loo tiriyo ninka wadada u xaaray kulanka Trump iyo Kim, ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay hubkadhigista niyukleerka Pyongyang iyo nabad ka islaaxda gacanka Kuuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa wariyaasha u sheegay in Shiinuhu rajeeynayo in wadahadalada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay ugu danbeynti si rasmi ah usoo gaba gabeyn doonaan dagaalka Kuuriya.

Ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe, oo isna ka mid ah hogaamiyaasha gobolka ee ka falceliyay kulanki Trump iyo Kim, ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ku naalloon doonto mustaqbal ifaya haddii ay ku toosto tubta wanaagsan.

Wasiir-kuxigeenka arrimaha dibedda dalka Ruushka Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Moscow ay diyaar u tahay in labada dhinac ka caawiso hirgelinta heshiiskaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka