Video:-Puntland oo beenisay in ay wada xaajood kula jirto maamulka Jeegaanta Ee Somaliland

Afhayeenka Madaxtooyada Dowlada Puntland Cabdulaahi Quraan-jecel,ayaa ganafka ku dhuftay warka kasoo yeeray Wasiirka arimaha dibada ee maamulka Jeegaanta Sacad Cali Shire ee uu ku sheegay in iyaga iyo Puntland uu u dhaxeeyo wada hadal meel fiican maraya.

”Majirto wax wada hadal ah oo naga dhaxeeya anaga iyo maamulkaas,aan Wasiirka waydiiyee halkee wada hadalkaas ka socda ,yaan la leenahay ,maxaan kawada hadlaynaa, ma Laascaanood iyo Garowe dhexdooda ayaan kawada hadlaynaa ,muxuu leeyahay oo aan kawada hadlaynaa”ayuu yiri Afhayeen Quraan-jecel.

Sidoo kale Quraan-jecel oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Shacabka Puntland waxaan usheegaynaa in ay garab istaagaan Ciidankoda mujaahidiinta ah ,dhulka Sool waa dastuuri xorayntiisu waana la xoraynayaa ee haloo diyaar garoobo”,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka