Video:-Wasiirka Warfaafinta Puntland oo beeniyay in Somaliland ay wada xaajood kula jiraan

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn ayna ka go’antahay difaaca xuduudeheeda dastuuriga. Wasiirka warfaafinta Puntland oo kahadlayey isu socdka shacabka labada dhinac ayaa sheegay in qofkaasta oo Soomaali ah uu si xorriyad ah ugu noolaan karo Puntland aysana cidi wax kuyeeli doonin ciidda Puntland.

Ugu dambayntiina Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa beeniyey in Puntland ay wadahadalo kula jirto Somaliland si loo kala qaado ciidamada ku sugan Tukaraq, isagoona sheegay inaysan wax gorgortan ah kugeli doonin dhulka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka