Dhagayso:-Hogaamiyayaashii Tigreega iyo Rw Abiye oo ay ka dhex taagan tahay?

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Associated Press, Xisbiga TPLF ee qowmiyadda Tikreyga dalka Ethiopia ayaa ku baaqaya in kulan degdeg ah la iskugu yimaaddo. Xisbiga ayaa sheegay in isbeddelada toddobaadkii uu Ra’iisal Wasaaraha dalku ku dhawaaqay ay meel mareen iyada oo si wadajir ah looga tashan.
 
Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa dalal dhowr ah booqasho ku tagey.
 
Haddaba isbeddeladan dhinaca siyaasadda iyo cabashada ka timid iyo waliba ujeedada booqashooyinkii u dambeeyey ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Maxamed Ismaaciil Shiikh Cumar oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Caddaaladda Deegaanka Soomaalida, kuna sugan gobolka MN ee dalka Maraykanka,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka falanqeeya