Video:-Mudaahaaraad xoog leh oo ka dhacay Laascaanood iyo maamulka Jeegaanta oo shacab laayay

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,ayaa maanta aad u kacsan kadib iska hor imaad dhexmaray  Maleeshiyada maamulka Jeegaanta iyo dad shacab ah.

Iska hor imaadkaas,ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah haweenka ku ganacsada Suuqa  magaalada Laascaanood.

Iska hor-imaadkaan ayaa waxa uu ka dhashay kacdoon ay sameeyeen dad shacab ah oo ka carooday dhaawac Maleeshiyada Jeegaanta dhaawac  ay gaarsiiyeen haweeney ganacsato ah oo ku sugnayd suuqa weyn ee magaalada.

Kacdoonka shacabka ayay ku dhaawaceen laba kamid ah maleeshiyada Jeegaanta ah,sidoo kale waxay shacabku kala hareen maleeshiyada 2 qori oo nooca fudud ah.

xaalada magaalada ayaa aad ukacsan dadkuna waxay ku gooyeen wadooyinka magaalada dhexmara Taayiro iyo dhagxaan,iaygoo ku dhaawaqaya dooni mayno Jeegaanta waxaan nahay Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka