Dowlada Britain oo uga digtay muwaadiniinteeda in ay usafraan guud ahaan Somaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinta u dhashay Britain in ay u safraan Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo wasaaraddu ay sheegtay in iyaguna muwaadiniintu ka baaqsadaan ilaa safarro muhiim ah mooyee.

Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Britain, ayaa sidoo kale loogu baaqay dhammaan muwaadiniinta u dhashay Britain ee jooga Soomaaliya in ay ka baxaan. Sidoo kale kuwa Hargeysa iyo Berbera u jooga socdaallada aanan muhiimka ahayn, ayaa iyaguna loogu baaqay in ay ka baxaan.

Dhamaan dadka British-ka ah ee booqanaya Hargeysa ama Berbera ayay Dowladda Britain kula talisay in ay ka fogaadaan goobaha dadweynaha iyo meelaha la isugu yimaado isla markaana ay si hoose ula socdaan wararka warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in kooxaha argagixisada ay doonayaan in ay isku dayaan in ay Soomaaliya ka geystaan weerarro. Waxaa kale oo ay dowladda Britain sheegtay in ay Soomaaliya ka jirto khatar heerkeedu sarreeyo oo la xiriirta danbiyo dhinaca afduubka ah.