Madaxweyne gaas oo ka tacsi ka diray Geerida Agaasimhii guud Ee W.haweenka Puntland

June 16, 2018 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Umadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Shacabka Puntland, Qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirsaaq Nuur Maxamed {Hantiile}oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland oo maanta ku geeriyooday magalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si gaar ah ugu Tacsiyeeyay dhammaan bahda Wasaaradda Haweenka geerida ku timid Marxuun Cabdirsaaq Nuur Maxamed {Hantiile} wuxuuna Madaxweynuhu Allaah uga baryey Marxuumka inuu Jannadiisii Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin, uuna daris uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii CSW
 
Amiin Amiin Amiin