Tacsi:-Saciid Cismaan Cali Jagaf oo ku geeriyooday Dalka Australia

Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca jaalliyada reer Melbourne ee Australia waxaanu tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday addeer Saciid Cusmaan Cali Jagaf oo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia 16/6/2018. S

Saciid Cismaan wuxuu ifka kaga tegay 42 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen iyo laba xaas. Saciid oo ka mid ahaa tababaraayaashii ciidamadii qalabka siday ee ka hor burburkii qaranimada,

Saciid wuxuu sumcad wanaagsan ku lahaa ciidanka dhexdiisa,wuxuu waxbarashadiisa ku soo qaatay dalka Masar iyo dalka Sacuudi Carabiya.

Adeer Saciid wuxuu ahaa Nin oday ah, degan oo aad uga fogaada wax kasta oo magaciisa iyo magaca dadkiisa iyo dalkiisa wax u dhimaya.

Illaahay naxariist ha siiyo dambigiisana ha dhaafo qabrigana Alle ha u waasiciyo.

 

Omar Dhollawaa