Video:-Maxay Itoobiya ka faa’idaysaa qorshaha Imaaraadka Ee Dekedaha Somaliya?

3-Bilyan oo dolar ayay Imaaraadku usoo dhiibeen Itoobiya si ay si dadban gacanta ugu soo dhigto Dekedaha Somaliya.

Imaaraadku qorshahan uu Itoobiya usoo dhiibay waxaa gacantiisa kusoo galaya ugu yaraan labo Dekadood oo muhiim ah.

Itoobiya,ayaa qorshahan waxay ku helaysaa dhawr qodob oo muhiim u ah,kuwaasoo kala ah……

1.19% heshiiska maalgashiga.

2.Itoobiya oo loo dhisi doono Ciidan badeed xoog badan oo qandaraaska ilaalada Dekedaha la siiyay.

3. Wadooyin isku xiri doonta dalkeeda iyo Somaliya.

4.Ciidamada Amisom oo loogu dari doono Ciidamo qayb ka noqda hawlgalka nabad ilaalinta Somaliya.

Sidoo kale Itoobiya waxay heli doonto shaqaale xoogsato ah oo ka shaqayn doona Dekedahaas,kuwaasoo sanadkii gaaraya 30 ilaa 60-Kun oo Qof.

Itoobiya ayaa ku heshay mashruucyadan aan caadiga ahayn doorkeeda Somaliya ay ku leedahay.

Imaaraadka oo ay ku adkaatay xiligan in uu galgal ku yeesho Villa Somaliya,ayaa ugu danbayntii ku qancay in uu fulinta qorshahayaashiisa u wakiisho Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka