Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu ku Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland

Xeer Madaxweyne Lr. 83 June 19 2018, kuna saabsan Magacaabid  Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

 

Markuu arkay:                                   Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgaliyey:                          Aqoon tiisa iyo khibradiisa Shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Maxamed Yuusuf Maxamuud loo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland

2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.