Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho goor dhawayd

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Xaaji Baast una dhow Jidka Maka Al-Makarama, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca raaxada ah.
 
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga ay la socdeen labo dhalinyaro ah wiil iyo gabar, iyadoo uu dhaawac soo gaaray wiilka oo gaariga waday, waxaana la sheegay in dhaawaca la dhigay isbitaalka Daaru-Shifa.
 
Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaasoo wadada xiray, baaritaana wada.
 
Gaadiidka gaarka loo leeyahay ee qaraxyada lagu xiro ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada lagu khaarijiyo shaqsiyaadka kala duwan, sida saraakiisha ciidamada, wariyeyaasha iyo dadka kale, waxaana mas’uuliyadooda sheegata Al-Shabaab.