Video:-Boqor Buurmadow oo xabsiga laga sii daayay

Boqorka wuxuu xabsiga ku jiray muddo laba bilood ku dhow,ayaa lagu soo daayey cafis madaxweyne.
 
Boqor Buurmadow oo magaalada Hargeysa ku xirnaa tan iyo wakhtigaas ayaa maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi waxay ku eedeeyeen in munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland bartamihii Abriil “oo uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay gooni isutaagga Somaliland iyo ciidamadeeda.”
 
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo markii la soo daayey ka dib hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii deyntiisa, uuna ka mahad naqaayo sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray, laakinse hadal intaa dhaafsiisan ma uusam sheegin.
 
Maxkamad ku taalla haragaysa ayaa boqor Buurmadow marlkii hore ku xukuntay 5-sano oo xabsi, hase yeeshee markii uu racfaan ka qaatay ka dib ayaa xukunka laga khafiifiyey,iyadoo laga dhigay 3-sano oo xabsi ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka