Video:-Khayre Oo si adag uga hor yimid heshiiskii Madaxweyne Farmaajo la galay Itoobiya”.

Khayre si adag uga hor yimid,isla markaana sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo ay Dowladiisu la gashay Dowlada Itoobiya,sidoo kale Dekedo Somaliyed oo lagu wareejinayo dalal kale aysan jirin.

”Waxaan soo dhawaynay ra’isalwasaaraha Itoobiya oo kaliya ,kadibna booqashadisii ayaa waxaa kasoo baxay warmurtiyeed ee majirin heshiis lawada galay”ayuu yiri Khayre.

Waxaa xusid mudan in uu farqi weyn u dhexeeyo Heshiis iyo War-murtiyeed

Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho ra’isalwasaaraha Itoobiya Attoo Abiye.

Kulanka labada hogaamiye kadib,waxay shaaciyeen heshiis ay kala saxiixdeen.

Heshiiskaas oo ka koobnaa 16-qodob ayay saxaafada ka hor akhriyeen labada hogaamiye.

Saxiixa heshiiskaas kadib,ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ra’isalwasaare Khayre diidan yahay heshiiskaas,isla markaana uu yiri wuxuu ku kooban yahay oo kaliya Madaxweyne Farmaajo.hoos ka daawo muuqaalka hadalkaas.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka