Video:-Maxaa kasoo shirkii khamiislaha ahaa Ee Golaha Wasiirada Dowlada Puntland?

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha Amniga Puntland, siyaasadda ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo ilaalinta gaadiidka Dawladda.

Amniga Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo warbixin ka dhageystay  Wasaaradda Amniga ayaa sheegay  in Amniga guud ee Puntland wacan yahay, iyadoo Goluhu caddeeyeen in dalku galay heegan dibu-xoreyn ah iyo soo celinta xuduuddaha  dastuuriga ah ee Dawladda Puntland.

Golaha Xukuumada oo ku dheeraaday Amniga dalka ayaa  faray shacabka Puntland  inay gacan mugleh siiyaan  ciidammada qalabka sida, kuwaas oo u taagan sugida Amniga iyo xasiloonida dalka.

Siyaasada Ka Hortaga Dilaaga  HIV/AIDS:

Golaha Xukuumada Dowladda  Puntland ayaa loo qeybshay siyaasada ka-hortaga dilaaga HIV/AIDS ka, siyaasadaas oo ay soo gudbisay Hay’adda Puntland AIDS Commission oo  qeexaysa yareynta waxyaabaha sahla iyo  xakameynta, cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ayaa la horkeeni doonaa  kulanka  xiga ee golaha xukuummada si loo meel mariyo siyaasada ka hortaga  dilaaga HIV/AIDS.

Ilaalinta Gaadiidka Dowlada (GD):

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa  dood dheer ka yeeshay ilaalinta gaadiidka Dowladda, waxayna golaha oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda  Howlaha Guud iyo Gaadiidka Dowladda Puntland ay xuseen in aysan marna dhaceyn in hanti Dowladdeed lagu xad-gudbo, cid-kastoo isku daydana talaabo sharciga ku-suntan laga qaadayo.

Ugu Danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda iyo  Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka inay soo gudbiyaan  warbixin tafatiran oo la xiriirta adeegsiga iyo daba-galka gaadiidka Dowladda

DIRECTORATE OF COMMUNICATION, MOBILIZATION AND CULTURE HERITAGE OFFICE OF THE PRESIDENT PUNTLAND STATE OF SOMALIA

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka