Video:-Daawo Kala hadalka Madaxda D.Fadaraalka iyo khatarta heshiiska Itoobiya lala galay

Ugu horayn waxaa heshiiskan ka hadlay Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Dekedaha Somaliya ay muhiim tahay in la maalgashto cidii diidan heshiiskaasina ay noqonayso horumar diid.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka Daahir maxamuud Geelle,ayaa xoojiyay hadalkii Madaxweynaha ,isagoo sheegay in heshiiskaasi ku saabsan yahay maalgashiga Dekdo afar ah oo ku yaala Somaliya.

Waxaase hadal ka hor imaanaya hadalada Madaxweynaha iyo Wasiirka Warfaafinta sii daayay ra’isalwasaare khayre,isagoo cadeeyay in uusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan dekedaha oo ay la gashay Dowladiisu tan Itoobiya.waxa soo baxayna waa Warmurtiyeed lagu soo naba bixinayya ra’isalwasaaraha Itoobiya ee martida ahaa..

Waxaa xusid mudan in uu farqi weyn u dhexeeyo Heshiis iyo War-muriyeed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka